Dowladda Soomaaliya oo ka digtay fatahaado laga cabsi qabo

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aaddan halista ka imaan karta fatahaado laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobka gu’ga oo ay sheegtay inuu aad uga badan yihiin kuwii sanadii hore.

Wasaaradda deegaanka iyo isbaddalka cimilada Soomaaliya oo ka digtay fatahaadaha ayaa ugu baaqday dadka inay ka fogaadaan hareeraha wabiyada iyo dooxooyinka biya mareennada ee dalka si looga fogaado waxyeello kasoo gaarta.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab oo jooga Washington ayaa khadka telefonka ee magaalada Muqdisho ku waraystay wasiiir ku-xigeenka deegaanka Soomaaliya Dr Saciid Maxamed Cali.

Your browser doesn’t support HTML5

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay fatahaado laga cabsi qabo