Dowladda Federaalka oo sheegatay dilka 49 Al-Shabaab ah

Al-Shabab Al-Shabaab

Dowladda Federaalka ayaa sheegatay inay dishay ugu yaraan 49 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab, tira kale ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal ka dhacay tuulada Dhagaxow ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa NISA oo taageero ka helaya 'saaxiibbada caalamka.'

Warbixinta dowladda ayaa intaas ku dartay in maleeshiyada Al-shabaab oo isku abaabulayay dhulbeereedka Sheekh Qaasim howlgalkan looga burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Khasaaraha dhinaca ciidanka dowladda ayay ku warbaahinta dowladdu ku sheegtay inuu yahay hal askari oo dhintay iyo saddex dhaawac ah.

VOA si madax-bannaan uma xaqiijin warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.