Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa lagu burburiyay saldhiggii maleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Dumaaye ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaas oo ahaaa 'halka ay ka abaabuli jireen weerrada ay ku qaadaan gobollada Mudug iyo Galguduud' sida uu VOA u xaqiijiyay Maxameddeeq Yuusuf Kulmiye oo ah guddoomiyaha Xarardheere.
Saldhiggan oo lagu magacaabo xarunta xerta Sheekh Maxamed Ragee ayaa la sheegay inay yaalleen hub iyo gaadiid dagaal oo badan, isla markaana isku aruursanayeen dagaalyahannaada Al-shabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay weerarka saldhiggan.
Ma jiro war madax-banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha duqeyntan, iyada oo dhinaca kale dawladaha Soomaaliya ka saacida dhinaca hawada aysan weli xaqiijin duqeyntan.
Al-shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay wajahayay dagaal saf ballaan ah oo cir iyo dhul ah, iyada oo ciidamada dowladda Federaalka oo kaashaneysa kuwa madaniga ah ay ka qabsadeen degmooyin, tuulooyin iyo deeggaanno badan, kuwaas oo ay ugu dambeysay degmada Ceel-buur.