Egyptair oo billowday duulimaadyada Qaahira-Muqdisho

Egyptair Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho safarkii ugu horreeyay ku timid shirkadda diyaaradaha ee dalka Masar oo dhowr iyo soddon sano kadib billaabeysa duullimaad toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Qaahira.

Diyaaradda ayaa maanta keentay wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Masar iyo xubno dublimaasiyiin ah, haddaba duulimaadkaan muxuu Soomaaliya kusoo kordhinayaa?

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa waxa uu arrintaas ka wareystay Agaasimaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Xasan.

Your browser doesn’t support HTML5

Egyptair oo billowday duulimaadyada Qaahira-Muqdisho