Indho-cadde oo ka badbaaday qarax

Baabuurkii Qaraxa

Yusuf Siyaad Indho-cadde, wasiiru dowlaha gaashaandhiga DKMG ayaa maanta ka badbaaday qaraxyo ismaadiimin ah oo ka dhacay Muqdisho

Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga ee DKMG Yusuf Maxamed Siyaad(Indho cadde) ayaa maanta ka badbaaday Qarax lala damacsanaa in lagu khaarajiyo

Wasiirka ayaa marayey xiligii uu qaraxu dhaceyey waddada Makal Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa lagu soo warramayaa inta la og yahay in 2 qof ay ku dhinteen 5 kalena ay ku dhaawacmeen

Yusuf Siyaad Indho-cadde oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ku sheegay in qaraxaasi isaga loola dan lahaa.

Qaraxan ayaa maanta duhurnimadii lagu fuliyay baabuur noociisu yahay Mark 2 iyo baabuur kale oo daba yaalay uu isaguna markiiba qarxay.

Dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay Qaraxaasi ka sokow, waxay sidoo kale waxyeello soo gaadhay Dhismayaashii ka ag dhowaa iyo baabuurtii halkaasi tiilay .

Ururka Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay inay iyagu ka danbeeyeen qaraxaasi.

Dhinaca kalena Yusuf Siyaad wuxuu ka dhawaajiyay inuu xiriir dhinaca taleefonka ah la sameeyey Mukhtar Roobow Abu-Mansuur oo ka tirsan Al-Shabab, iyagoo ka wada hadlay sidii madaafiicda looga joojin lahaa goobaha rayidku ka dagan yihiin magaalada Muqdisho.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga Yusuf Indho-Cadde iyo qof goob joog ka ahaa qaraxaasi.