Faah-faahin: Lacagta Sweden siinayso soo-galootiga si ay dalka uga baxaan

Dowladda Sweden ayaa doonaysa inay kordhiso lacagta la siinayo dadka soo-galootiga ah si ay uga guuraan dalkaas oo gabaadka u noqday dad ka cararaya colaadaha, caburinta iyo xadgudubyada kale ee ka jira dalalkooda, sida ay dhowaan sheegtay dowladda garabka midig.

Illaa $34,000, oo dollar ayay sheegtay Sweden in la gaarsiinayo lacagahaasi la siinayo dadka iskood uga tagaya dalka.

Dalkan Scandinavian-ka ayaa muddo tobanaan sano ah loo arkayey inuu yahay "mid ku sarreeya bani'aadannimada,” laakiin sannadihii la soo dhaafay waxa uu la xarbinayey sidii dadka cusub ee tagaaya dalkasi ay ugu dhex-mili lahaayeen bulshada.

Haddaba sababta dowlada Sweden ay u kordhisay lacagahaasi iyo waxay uga dhigan tahay dadka soo galootiga ah ayuu Wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Candixaafid Cawil Ismaaciil weydiiyay Maxamed Cawad Maxamed oo ka faallooda arrimaha Sweden oo deggan dalkaasi Sweden.

Your browser doesn’t support HTML5

Faah-faahin: Lacagta Sweden siinayso soo-galootiga si ay dalka uga baxaan