Barnaamijku wuxuu ku saabsan yahay bandhiga Toddobaadka Soomaalida oo sanad walba mar lagu qabto London.
Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadku wuxuu ku saabsan yahay bandhiga Toddobaadka Soomaalida oo sanad walba mar lagu qabto London.
Bandhigan ayaa isugu jira dhinacyo ay ka mid yihiin fanka iyo suugaanta Soomaalida, buugaagta Soomaalida iyo dooddo ku saabsan isbeddellada Soomaalida ee gudaha iyo dibedda.
Hal-kudhiga sanadkan ayaa ah Hab-dhaqankii hore ee Soomaalida iyo waqtigan casriga ah.
Barnaamijka waxaa arrimahaasi ka hadlaya saddex aqoonyahan oo ku takhasusay cilmiga bulshada iyo siyaasadda oo kala ah;
Rashiid Sh. C/laahi (Rashiid Gadh-weyne)
Dr. Max'ed Rashiid Sh. Xassan
Siciid Jaamac oo dhamaantood wada jooga magaalada London.