Falastiiniyiin kale oo Talaadadii lagu dilay Gaza

Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen waqooyiga Gaza shalay.

Dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in ay ku jireen dumar iyo carruur, iyada oo inta badan dadka ku go’doonsan dhinaca waqooyi ee Gaza aysan heysan wax ay cunaan kaddib todobaadyo ay halkaasi go’doon ku hayaan ciidamada Israel oo sheegay in ay ka wadaan howlgallo millatari.

Israel waxay sheegtay in dhinaca waqooyiga shishe ee Gaza ay tan iyo bishi hore ku beegsanayeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo halkaasi isku urursaday.

Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah guryo ay ku noolaayeen dad isugu jiray qaxooti iyo barakac oo ku yaalla deegaanka Beyt Laaxiya oo u dhaw xadka Israel, sida uu xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka Kamal Cudwan oo isugana todobaadsan ay duqeeyeen ciidamada Israel.

Tobnaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo bishi October ee sannadki hore, markaas oo uu billaabatay colaadda hadda taagan.