Golaha cusub ee wasiirrada ayay ku jiraan xubno cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa dawladihii dalka soo maray. Xubnahan golaha wasiirrada waxaa ku jira Mukhtaar Roobow Cali oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab, saddexdii sano ee lasoo dhaafayna ku jifray xabsi.
Haddaba magacaabista golaha cusub ee wasiirrada, iyo shaqada hortaalla ayaa waxaan wax ka weydiinayey Cabdirashiid Khaliif Xaashi, madaxii hore ee hay’adda cilmi-baarista Heritage kuna sugan magaalada Muqdisho.