Fallanqeyn: Maxay ka dhigan tahay guusha Donald Trump?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale dib loogu doortay xilkaas, kadib doorasho adag oo shalay ka dhacday dalka, isaga oo ka guuleystay madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris.

Guusha Donald Trump ayaa u taagan soo laabasho siyaasadeed oo la yaab leh. Waa madaxweynihii ugu horeeyay oo aan milatariga iyo salka siyaasadda Mareykanka isagoo aan ka soo jeedin laba jeer oo aan is-xigin la soo doorto.

Waxyaabaha uu ku ololeeyay waxaa ka mid ahaa wax ka qabashada dhaqaalaha iyo sicir-bararka maciishadda, iyo xakameynta soo galootiga sharci darada ah.

Hadaba waxa guusha Trump iyo doorashadiisa ay ka dhigan tahay ka wareysanay Cabdiraxmaan Yabarow, Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, waxaana Wareysatay Caasha Ibraahim Aaden.

Your browser doesn’t support HTML5

Fallanqeyn: Maxay ka dhigan tahay guusha Donald Trump?