Fallanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay hubka ay Masar gaysay Xamar?

Mar ku xiran Dekadda Muqdisho (Sawir hore oo keyd ah)

Markab ay leedahay Masar ayaa magaallada Muqdisho ka dajiyay hub isugu jira qoryahah lidka diyaaradaha iyo madaafiic, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah oo magacooda qariyay.

Dowladda Soomaaliya ayaan si rasmi ah arrintan uga hadlin, hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nur, ayaa boggiisa baraha buslshada soo dhigay, sawir muujinaya markab sita calanka Masar oo ku xiran dekedda Mqudisho.

Haddaba hubkani muxuu ku soo kordhin karaa gobolka aan xasillonayn ee Geeska Afrika. Arrimahan ayay Falastiin Axmed Imaan ka wareystay Cabdisalaam Guleed, oo ah khabiir dhanka amniga iyo la dagaalanka argagixisada, ahaana agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya NISA oo haatan ku sugan magaalada London.

Your browser doesn’t support HTML5

Fallanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay hubka ay Masar gaysay Xamar?