Wasiirada Oo Ansixiyey Go'aankii Madasha

Golaha wasiirada

Golaha wasiirada ayaa ansixyey go'aankii shalay kasoo baxay kulankii mdasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa doorashada 2016.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta ku shiray Muqdisho, ayaa ansixiyay qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aamiyey hannaanka doorasho sanadkan 2016.

Kulanka golaha wasiirada, oo uu shir guddoominayey ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, ayaa qodobada ay golaha wasiirada ku ansixiyeen ee kulankii madasha lagu go’aamiyey,waxaa ka mid ah in aqalka hoose ee baarlamanka qaabkan lagu soo xulo:

• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.
• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.
• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

Aqalka sare ee baarlamaanka, ayaa isna lagu soo xuli doonaa habkan.

• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhisi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.
• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.
• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.
• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hada jira iyo kuwa samaysmaya aya soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga doorashooyinka 2016-ka.