Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ka hadlay wakhtiga la filayo in ay soo baxdo natiijada doorashadu.
Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa sheegay in muddo uu ku qiyaasay dhowr maalmood gudohood la shaacin doono natiijada rasmiga ah.
Waxaana uu sidoo kale ka jawaabay warbixintii ay soo gudbiyeen goobjoogayaasha caalamiga ah ee la socday doorashadii Somaliland.
Isaga oo ku tilmaamay in ay tahay mid ka turjumaysay sida wanaagsan ee ay u qabsoontay doorashadu.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in aanay jirin cabashooyin waawayn oo wax u dhimaya natiijada doorashada.
Goobjoogayaasha caalamiga ah ee dusha ka ilaalinayey doorashadii madaxweynanimo ee Sabtidii ka dhacday Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in doorashadu ay guud ahaan u dhacday si xor ah, oo misana cadaalad ah, isla markaana ka tarjumeyso rabitaanka shacabka Somaliland.