Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa oggolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich kadib markii ay labada kooxood gaareen heshiis horudhac ah oo ku aadan saxiixiisa, sida wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalkauu sheegay Jimcaha maanta ah.
Hadii la dhamaystiro, dhaqaaqa Kane waxa ay noqon doontaa kala iibsiga ugu qaalisan taariikhda Bundesliga, iyada oo la filayo lacag dhan 100 milyan oo euro.
Kooxda reer England iyo Bayern ayaa lagu soo warramayaa inay ku heshiiyeen beeca ciyaaryahankan Khamiistii, laakiin waxa ay u baahdeen oggolaanshaha Kane oo sanad kale uga harsan yahay qandaraaskiisa Tottenham.
Munich, oo ku guuleystay horyaalka Jarmalka markii 11-aad oo xiriir ah xilli ciyaareedkii hore, ayaa si aad ah u doonayay inay keenaan Kane, iyagoo raadinaya inay xoojiyaan awoodooda weerarka iyo inay u dagaalamaan mar kale koobka Champions League.
Kane waxa uu ku biiray akadeemiyada Tottenham isaga oo 11 jir ah kahor inta uuna kulankiisii ugu horeeyay u ciyaarin 2011. Waxa uu inta badan waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay kooxda ka dhisan waqooyiga London laakiin waxa uu amaah ku soo qaatay Leyton Orient, Millwall, Norwich City iyo Leicester City.
Kane ayaa kooxdiisa Spurs u dhaliyay 280 gool in ka badan 430 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan, iyo 58 jeer oo uu u dhaliyay qarankiisa 84 kulan oo uu saftay, taas oo ka dhigaysa xiddigii ugu fiicnaa abid.
Reuters.