Hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka oo la isku dayayo in la hakiyo

Biden

Senator Chris Van Hollen ayaa qoray sharci raadinaya in la hakiyo hubka Mareykanka uu ka iibiyo Imaaraadka Carabta illaa Washington ay ka xaqiijineyso in Abu Dhabi aysan hubeyn kooxda Dacmu Sariic ama Gurmadka Deg-degga ah ee Suudaan.

Van Hollen ayaa Senate-ka u gudbiyay qaraar wadajir oo diidmo ah, halka Sara Jacobs oo sidoo kale Dimoqraadi ah, ay mid la mid ah u gudbisay Aqalka Wakiilada.

Dadaalkoodu uma badna inuu taageero weyn ka heli doono Congress-ka maadaama maamullada Mareykanka ee madaxweynayaasha labada xisbi ay muddo dheer u arkeen Imaaraadka inuu yahay saaxiib amniga gobolka oo muhiim ah. Hase yeeshee waxa uu dareenka kusoo jeedin doonaa dagaalka oo noqday mid ka mid ah musiibooyinka bani’aadannimo ee ugu xun caalamka.

“Imaaraadka waa saaxiib Bariga Dhexe oo muhiim ah, laakiin Maraykanka iskama fadhin karo isagoo taageeraya musiibada bani'aadannimo ee Suudaan - waa in aan isticmaalno awooddeena si aan isugu dayno in aan dagaalka u keeno xal nabadeed," ayuu Van Hollen ku yiri bayaan uu soo saaray.

Sharciga Maraykanku ayaa dhigaya in Congress-ka uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada hubka ee waaweyn, wuxuuna u ogolaanayaa xubnaha Senate-ka in ay khasbaan cod loo qaado go'aannada diidmada ee xannibaya iibka noocaas ah.

Inkasta oo sharciga aanu u ogolaanayn xubnaha aqalka wakiilada inay qasbaan codkan oo kale, haddana qaraarada waa in ay maraan labada aqal ee congress-ka, ayna ka bad-baadaan codka diidmada ee madaxweynaha, si ay u hirgalaan.

Ma jiro qaraar diidmo oo abid maray labada aqal, islamakraana ka bad-baaday codka diidmada ee madaxweynaha. Qaraarada noocan ah ayaa mararka qaar hoggaamiyey doodo kulul oo tusmeeyey walaalcyada la xiriira xuquuqda bani’aadannimada iyo qanacsanaan la’aanta sharci-dejiyayaasha ee iibka hubka.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ahaa iibsade hubka Mareykanka oo weyn. Bishii October, maamulka Biden wuxuu ku dhawaaqay, tusaale ahaan, inuu ansixiyay iibka suurtagalka ah ee gantaallada GMLRS iyo ATACMS oo ku kacaya $1.2 bilyan.

Qaraarkan cusub ayaa isku dayaya in la joojiyo iibkaas.

Madaxweyne Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa sanadkan u aqoonsaday Imaaraadka inuu yahay saaxiib gaashaandhig oo weyn, waxaana dowladda Khaliijka ay martigelisaa saldhigga ciidamada cirka Al Dhafra oo ay isticmaalaan diyaaradaha militariga Mareykanka iyo kumanaan askari oo Mareykan ah.

Ciidamada Sudan ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay hub iyo taageero ku siiyeen Jabhadda Dacmu Sariic dagaalka Sudan ee 17-ka bil socda.

Imaaraadka ayaa beeniyey eedeymahaasi. Kormeerayaasha cunaqabataynta Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay eedaymaha ah in Imaaraadku uu taageero millatari u fidiyay Dacmu Sariic kuwo lagu kalsoonaan karo.

Dagaalka ayaa April 2023 ka dhex qarxay ciidamada Sudan iyo Dacmu Sariic, wuxuuna ka dhashay muran la xiriira qabashada doorasho xor ah, waxaana ku dhintay kumanaan qof.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in qiyaastii 25 milyan oo qof – oo ah kala bar shacabka Sudan – ay u baahan yihiin gargaar, ayada oo qarka loo saaran yahay macluul, halka 8 milyan ay ka qaxeen guryahooda.

Reuters