Abu Dhabi —
Nigeria ayaa u riyaaqday in dalka Isu-taga Imaaraatka Carabta uu ka qaado xayiraad ka saarnayd dal-ku-galka ama fiisaha dalkaasi.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay toddobaadkan yeesheen madaxweynayaasha Nigeria Bola Tinubu iyo Isu-taga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.
Mas’uuliyiinta Nigeria ayaa sidoo kale Imaaraatka la gaaray heshiis maalgashi oo ku kacaya balaayiin dollar, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaasi Nigeria.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdixakin Shirwac.
Your browser doesn’t support HTML5