Iran oo beenisay in ay hub siiso Ruushka

Iran ayaa Isniinta maanta ah diiday eedeymaha Reer Galbeedka ee ah inay hub u dirtay Ruushka, si uu ugu isticmaalo dagaalka Ukraine.

Midowga Yurub ayaa sheegay in xulafadooda ay la wadaageen xog sir ah oo ku saabsan in Iran ay siisay Ruushka gantaalada ballistika ah. Waxa uu ka digay in cunaqabatayn hor leh lagu soo rogi karo Jamhuuriyadda Islaamiga ah haddii la xaqiijiyo gaarsiinta hubkaas.

"Waxaan si adag u diidaynaa sheegashada ku saabsan in Iran ay door ku leedahay hub loo dhoofiyo dhinac ka mid ah dagaalka," waxaa sidaas shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kanani.

"Kuwa eedeynaya Iran waa kuwa ka mid ah dhinacyada hubka ugu badan u dhoofiya dhinac ka mid ah dagaalka," ayuu raaciyay, isagoo ku celceliyay in Tehran "aysan qayb ka ahayn dagaalka" Ukraine.

Ruushka iyo Iran ayaa labadaba waxaa saaran cunaqabatayn caalami ah oo xaddidaysa ganacsiga, balse waxay sameysteen xiriir xooggan oo dhinacyo kala duwan leh, oo uu ku jiro iskaashi militari.

Kyiv iyo xulafadeeda qaar badan oo ka mid ah caasimadaha reer galbeedka ayaa Tehran ku eedeeyay in ay Moscow siiso hub ay u adeegsato dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Iran ayaa marar badan beenisay eedeymahaas.

Bishii Agoosto, xoghayaha golaha amniga qaranka Ruushka Sergei Shoigu ayaa hogaamiyey wafdi tegay Tehran si uu kulamo ula yeesho dhiggiisa Iran, Ali Akbar Ahmadian, iyo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian.

Booqashada ayaa ujeedadeedu ahayd "xoojinta is-dhexgalka, darsidda arrimaha gobolka iyo caalamka, iyo xiriirka amniga siyaasadeed ee labada dhinac," sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.

AFP