Iran oo weerar gantaallo ku qaaday Israel

Iran ayaa weerar culus oo gantaallo ku qaaday Israel caawa, sida ay sheegeen militariga Israel iyo warbaahinta dowladda Iran, ayada oo xiisadda Bariga Dhexe ay ka sii dartay.

"Waqti yar ka hor, gantaallo laga soo riday Iran ayaa lagu soo weeraray Israel," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen militariga Israel. Waxaa la maqlayey dhawaqa digniinta, ayada oo weriyeyaal ka tirsan AFP ay soo weriyeen qaraxyo laga maqlay magaalada Jerusalem.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay inay weerar gantaallo ah ku qaadeen magaalada Tel Aviv, oo ah xarunta ganacsiga Israel.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa dilkii Israel ee hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah ee todobaadkii hore iyo sidoo kale geeridii hoggaamiyihii Xamas Ismail Haniyeh, oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Tehran, oo Iran ay ku eedeysay Israel.

Hawada Israel ayaa la xiray iyadoo dhammaan duullimaadyadii la weeciyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka garoomada.

Ciraaq iyo Urdun, oo dhaca Iran iyo Israel dhexdooda ayaa ayagana xiray hawadooda.

Wasiirka gaashaandhigga Israel Yoav Gallant ayaa mar sii horeysay halista Iran kala hadlay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin, sida lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku amray milatariga Maraykanka inay "caawiyaan difaaca Israel" oo ay soo ridaan gantaalada Iran ee lagu bartilmaameedsanayo Israel, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Biden iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa Kamala Harris, oo ah musharraxa xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha soo socota, ayaa labaduba isha ku haya weerarka Iran ay ku qaaday Israel, ayaga oo ku sugan qolka xaaladda ee Aqalka Cad, ayaa lagu yiri bayaanka.

Militariga Israel ayaa goor dhow sheegay in gantaallada ay istaageen, islamarkaana dadka ay hadda ka soo bixi karaan gabbaadyada.

Illaa hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay gantaallada Iran.

Inkasta oo kooxo Iran ay taageero ay qeyb ka ahaayeen dagaalka Bariga Dhexe ee billowday 7-dii October markii Xamas ay weerartay Israel, haddana Tehran ayaa inta badan iska ilaalineysay in ay weerar toos ah ku qaado cadowgeeda koowaad.

Iran ayaa sheegtay in dilka Nasrallah uu keeni doono "burburka" Israel, inkasta oo wasaaradda arrimaha dibadda ay Isniintii sheegtay in Tehran aysan wax ciidan ah gayn doonin.