Kenya Airways oo hakinaysa duulimaadyada Muqdisho

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho, laga billaabao 14-ka October.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayey shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay kadib markii ay la kulantay “caqabado dhanka howlgallada ah,” oo aysan faah-faahin ka bixin.

“Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo falanqeeyay, loogana fakaray danta ugu wanaagsan ee shirkadda ee jawiga ganacsi ee jira,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Kenya Airways ayaa ka mid ah shan diyaarad oo caalami ah oo duulimaadyo ku tega Muqdisho, ayada oo afarta kale ay yihiin; Turkish Airlines, EgyptAir, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Waxaa ugu dambeysay EgyptAir oo duulimaadyadeeda Muqdisho billowday bishii July, waxayna caasimadda Soomaaliya tagtaa toddobaadkii laba jeer, ayada oo laga yaabo in ay sii kordhiso.

Saraakiisha socdaalka ayaa rumeysan in go’aanka Kenya Airways ay qasbeen duruufo dhanka suuqa ah kadib markii ay tartan adag kala kulantay shirkado diyaaradeed Soomaali ah oo bixiya duulimaadyo raqiis oo Muqdisho iyo Nairobi ah.