ciidamada badda ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay koox burcad-badeed ah oo dooni kaluumaysi afduubatay
11 qof oo Somali ah oo lagu eedeyey fal burcad-badeednimo ah ayaa ciidamada amniga ee Kenya ay ku qabteen xeebta badweynata Hidniya ee u dhow magaalada Laamu.
Dadkaasi oo haata ku xiran magaalada Momabasa ayaa lagu wada in maxkamad la soo tagao. Nimankan ayaa biyaha Kenya ku afduubtay dooni kaluumaysi ah, una kaxaystey dhinaca Somalia.
Mid ka mid ah shaqaalihii saarnaa doonidaasi ayaa taleefon u diray ciidamada badda ee Kenya, kuwaasoo ku guulaystay inay doonidaasi gacanta ku dhigaan.
Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa haatan lagu hayaa dad fara badan oo lagu soo eedeeyay falal burcad-badeednimo, kuwaasoo maxkamada qaarkood sugaya.
Warka weriyaha VOA Nairobi Sahra Cabdi Axmed, qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso.