Kenya 'oo $15 Milyan ku khasaartay' dibad-baxyadii mucaaradka

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa sheegay in debedbaxyadii ay shalay ka dhigeen magaalada Nairobi, isbahaysiga mucaaradku inay dalka u geysteen hoos u dhac dhaqaale oo weyn.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay in Kenya ay khasaartay illaa 15 milyan oo dollar.

Suuqyada uu saameeyey debedbaxyadii ay dhigeen mucaaradku ayay ka mid yihiin suuqa Soomaalida ee Islii ee ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasoo ay jiraan ganacsato Soomaali ah oo waxyeello ka soo gaadhay rabshadaha dhacay.

Warbixin amuurtaas ku saabsan waxaa inoo haya weriyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Kenya 'oo $15 Milyan ku khasaartay' dibad-baxyadii mucaaradka