Waxaa soo kordhaya khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadii shalay ka dhacay dalka Kenya, iyada oo ay ku geeriyoodeen illaa toban qof oo ka mida debedbaxayaasha, halka dhaawacuna uu gaarayo boqolaal kale.
Khasaarahan ayaa yimi kadib markii debedbaxyadu ay isu-bedeleen kuwo rabshado wata, waxaana boob loo geystay goobo ganacsi oo kala duwan, sida uu ku soo waramayo weriyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed.
Your browser doesn’t support HTML5