Khilaaf cusub ayaa soo kala dhex-galay baarlamaanka kaddib markii 280 xildhibaan ay sheegeen in xilkii laga qaaday guddoomiye Shariif Xasan.
Madoobe Nuunow Max'ed oo xildhibaannadan ay guddoomiye KMG ah u magacaabeen ayaa sheegay in wadada loo maray xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyaha ay tahay mid waafaqsan dastuurka.
Dhinaca kalena guddoomiye-kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka KMG, Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa VOA u sheegay in talaabada xilka ka qaadistu ay sharci-darro tahay isla markaana dadka ka danbeeyaan ay yihiin "Qas wadayaal"
Qeybta hoose ka dhageyso wareysiyada Madoobe Nuunow iyo Cabdiwali Muudeey.