Koox dhallinyaro Turkish ah oo caqabad ku noqday madaxweyne Erdogan

Koox dhallinyaro Turkish ah oo loo yaqaan Kun-ka Dhallinyarada ee Falastiin ayaa caqabad xoog adag ku haya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyagoo isticmaalaya baraha bulshada si ay u soo bandhigaan ganacsiga wali uu Turkiga la leeyahay Israel.

Tani ayaa imanaysa iyadoo uu Erdogan si cad ugu doodayo in uu cunaqabatayn ganacsi oo adag u saaray Israel dagaalka ay ka waddo Gaza awgeed.

Sida uu magaalada Istanbul kaga soo warramayo wariyaha VOA, Dorian Jones, farriinta kooxda dhallinyarada ah ayaa saameyn ku yeelaneysa dadka Turkiga ee ku kala qaybsan arrimaha siyaasadda.

Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan soo jeedineysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Koox dhallinyaro Turkish ah oo caqabad ku noqday madaxweyne Erdogan