Kooxda Real Madrid ayaa ah meesha ugu cad-cad, marka loo eego kooxda reer Spain ee doonaya saxiixa Kylian Mbappe tan iyo markii uu yaraa, waxaana arrintan soo dedejinay go’aanka Karim Benzema uu kaga tagay Madrid 14 sano kadib una dhaqaaqay Saudi Arabi.
Si kastaba ha ahaatee wuxuu bixitaanka Benzema la macno yahay in Real ay haatan u dhaqaaqi karto weeraryahan cusub.
Wargeyska caanka ah ee waddanka Spain ee Marca ayaa Talaadadii kusoo bandhigtay sawirka Mbappe boggiisa hore. "Waxa uu kusoo noqday meel la gaari karo" ayuuna ciwaan uga dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, waa la arki doonaa haddii Real ay awoodi karto inay bixiso qiimaha qaaliga ah ee ciyaaryahanka kadib markii ay horeba u ogolaatay inay Borussia Dortmund kaga soo iibsato wax ka badan 100 milyan oo Yuuro oo ay ku doonayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham.
Meesha kale ee macquulka ah ee Mbappe waa England, marka loo eego awoodda dhaqaale ee kooxaha hoggaaminaya Premier League.
Mbappe waxa uu PSG uga soo biiray kooxda Monaco amaah hal xilli ciyaareed ah bishii Agoosto 2017, kaas oo markii dambe sannad kadib ugu soo wareegay heshiis ku kacay180 milyan ah oo Yuuro oo u dhiganta ($ 195m).
PSG ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalab 200 milyan oo Yuuro ah oo kaga yimid Real Madrid 2021, markaasoo Mbappe uu galayay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisii hore.
AFP.