Kuuriyada Waqooyi ayaa Isniinta maanta ah ridday gantaal xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu booqanayo Kuuriyada Koonfureed, isagoo ka digay in Pyongyang ay si dhow ugala shaqeyneyso Ruushka teknoolajiyada casriga ah ee hawada sare.
Booqashada Blinken ayaa timid iyadoo dambi baarayaasha ay isku dayayeen inay xiraan madaxweynaha muxaafadka ah ee Yoon Suk-yeol, kaasi oo isku xiray gurigiisa ka dib markii xilka looga tuuray isku daygii fashilmay ee uu ku doonayay in uu dalka ugu soo rogo sharciga dagaalka.
Blinken, oo qorsheynayay inuu ku dhiirigeliyo Kuuriyada Koonfureed in ay ilaaliso siyaasadda Yoon ee xoojinta iskaashiga Japan, ayaa wadahadal ku lahaa Seoul markii Kuuriyada Waqooyi ay ridday gantaal ballistic ah oo ku dhacay badda.
Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalka uu ku duulay 1,100 kilomitir (680 mayl).
Blinken iyo dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Cho Tae-yul ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen ku cambaareeyey daahfurka mashruucan, iyadoo diblamaasiga ugu sarreeya Mareykanka ee xilka ka degaya uu ka digay in Ruushka uu kordhinayo taageerada uu siiyo Kuuriyada Waqooyi, isaga oo abaal-marin uga dhigaya gacanta ay ka geysaneyso dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
Blinken waxa uu sheegay in Kuuriyada Waqooyi "ay horay u heshay qalab iyo tababaro militari oo Ruushku ah. Hadda waxaan haysanaa sabab aan ku aamino in Moscow ay doonayso inay teknoolajiyada hawada sare iyo dayax gacmeedka la wadaagto Pyongyang."
Blinken ayaa sidoo kale soo cusboonaysiiyay walaaca laga qabo in Ruushka, oo xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay islamakraana leh awoodda diidmada qayaxan, laga yaabo in uu si rasmi ah u aqbalo in Kuuriyada Waqooyi ay tahay dal nukliyeer, taasi oo dhabar jab xooggan ku noqon doonta is-afgaradka caalamiga ee ah in Pyongyang ay joojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Tijaabadan ayaa ku soo beegantay laba toddobaad ka hor caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, kaas oo xilligiisii u dambeeyay damcay in uu Kuuriyada Waqooyi ku qanciyo diblomaasiyad shaqsiyeed oo gaar ah.
Trump, oo mar ku hanjabay "dab iyo caro" ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi, ayaa saddex jeer la kulmay hoggaamiye Kim Jong Un, wuxuuna sheegay inay "jaceyl isu qaadeen".
Madaxweyne Joe Biden ayaa yaboohay hab caadi ah oo diiradda lagu saarayo in wada-hadal lagu joojiyo barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.