Kuuriyada Woqooyi waxay garab taagnaan doontaa Ruushka illaa ay "ka guul" gaareyso Ukraine, wasiirka arrimaha dibadda ee Pyongyang ayaa sidaas ka sheegtay Moscow, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Pyongyang ay ku biireyso dagaalka Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Choe Son Hui ayaa hadalkan sheegtay ka dib markii ay Moscow wada-hadal kula yeelatay dhigeeda Ruushka Sergei Lavrov.
Waxay ku sugnayd Moscow iyadoo Reer Galbeedku ay sheegeen in kumannaan ka tirsan ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ku sugan yihiin Ruushka, lagana yaabo in loo adeegsado gudaha Ukraine.
"Waxaan ku celinaynaa inaan mar walba si adag u garab taagnaan doonno saaxiibadeena Ruushka ilaa maalinta guusha," ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Choe Son Hui.
“Shaki kama qabno, haba yaraatee, in ayada oo uu hoggaaminayo madaxweynaha sharafta leh ee Ruushka Vladimir Putin, ay hubaal tahay in ciidammada iyo shacabka Ruushka ay guul weyn ka gaari doonaan halgankooda muqadaska ah ee ay ku difaacayaan xuquuqda madax-bannaanida iyo amniga dalkooda,” ayay raacisay.
Lavrov-ka Ruushka ayaa bogaadiyay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya ciidamada labada dal iyo adeegyada gaarka ah. Moscow waxay heshiis is-difaac ah la saxiixatay Pyongyang xagaagan.
“Xiriir aad u dhow ayaa dhex maray ciidamada iyo adeegyada gaarka ah ee labada dal,” ayuu yiri.
"Tani waxay sidoo kale suurta-gal ka dhigaysaa in la xalliyo ujeedooyinka muhiimka ah ee amniga ee muwaadiniinteena iyo kuwiina.”
Waxa uu yiri Moscow "aad ayey uga mahadcelinaysaa saaxiibadeena Kuuriya mowqifkooda mabda'a ah ee ku aaddan dhacdooyinka ka socda Ukraine."
Labada wasiir midkoodna ma soo hadal qaadin warbixinnada reer galbeedka ee ku saabsan soo daabulaadda ciidamada Kuuriyada Waqooyi.
Mareykanka ayaa sheegay in 8,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ay tababar ku qaadanayaan Ruushka, lagana yaabo in la geeyo dalka Ukraine si ay uga dagaalamaan.
Khamiistii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, oo la hadlayay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed, ayaa dhalleeceeyay waxa uu ugu yeeray wax ka qabasho la'aanta xulafadiisa ee daad-guraynta ciidamada Kuuriyada Waqooyi.
Ruushka ayaa tan iyo markii uu ciidamo u diray dalka Ukraine waxa uu isku dayayay in uu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweyne Vladimir Putin waxa uu heshiis is-caawin la saxiixday hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, markii uu booqday Pyongyang xagaagan.
Moscow —