Lix qof oo ay ku jiraan afar arday oo lagu dilay Gaarisa

Garissa

Dabley hubeysan ayaa lix qof oo ay ku jiraan afar arday ku dilay duleedka magaalada Gaarisa, waxaa ardaydan ay ku sii jeedeen degmada Haluqo si ay maalmaha fasaxa ula soo qaataan waalidkood.

Ardayda ayaa lala dilay darawalkii gaariga ku waday iyo qof kale oo la socday.

Weerarkan ayaa dowladda ay ku sheegtay in uu ahaa mid aano qabiil ah waxayna sheegtay in ay ciidamada amnigu soo qabteen qof ka mid ah dableydii ardaydaasi leysay.

Maxamed Faarax Shire ayaa warkan inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin ku saansan lix qof oo lagu dilay Garissa