Maamulka Garoowe oo ka digay ka ganacsiga cuntada dhacday

Garoowe

Maamulka dowladda Hoose ee magaalada Garoowe ayaa uga digay ganacsatada cuntada dhacday ee dukaamada lagu iibiyo kadib marki magaalada Garoowe lagu arkay cunto gasacadaysan oo dhacday oo suuqyada lagu iibinayo.

Raashiinka dhacay ayaa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya lagu soo galiyaa si qarsoodi ah, iyadoo ganacsatada iibisa ay ka baddalaan caddeymaha taariikhda rasmiga ah ee uu dhacay una sameeya diiwaan cusub oo dadka ay ku khaldaan.

Warbixintan waxaa Garoowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Your browser doesn’t support HTML5

Maamulka Garoowe oo ka digay ka ganacsiga cuntada dhacday