Madaxa ururka Daryeelka Caafimaadka ee Soomaalida Maraykanka C/casiis Muuse Maaxaay ayaa sheegay in qalab caafimaad oo Isbitaalka Mayo ee magaalada Rochester uu ugu deeqay dadka Soomaaliyeed uu gaadhsiiyay magaalada Muqdisho.
Qalabkan daawooyinka ah ayaa isugu jira daawooyinka la siiyo haweenka ay dhibaatadu ka haysato dhinaca kaadida, daawooyinka dhiig joojinta, qalabka caruurtu ku neefsadaan, baabuurta dadka curyaamiinta loogu talagalay iyo qalabyo kale oo caafimaad.
Qalabkan ayaa gaadhayay 20 tan ayaa waxaa magaalada Rochester ee gobolka Minnesota looga rarray laba koonteenar, kuwaasi oo si toos ah looga dajiyay dekedda Muqdisho.
C/casiis Maaxaay ayaa haddaba markii uu ka soo noqday Muqdisho, wuxuu nagu soo booqday Daarta VOA ee Washington, wuxuu VOA-da uga warramay xaaladda magaalada Muqdisho iyo wixii uu indhihiisa ku soo arkay.
C/casiis Maaxaay, wuxuu sheegay in xaaladda ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ay tahay mid aad u liidata, iyadoo dagaalladuna ay si weyn u saameeyeen nolosha dadka ku nool magaaladaasi.
Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.