Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hamza Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan magaalada Garowe, iyaga oo dhinaca kale soo jeediyay in kala aragti duwanaanta keentay gacan ka hadalka lagu dhameeyo miiska wadahadalka.
Dhinaca kale, waxay Bulshada rayidka ah, Odayaasha dhaqanka iyo samadoonka deegaanka ugu baaqeen in ay qeyb ka noqdaan xalka colaaddaas.
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixinta arrintaan ku saabsan noo soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5