Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo qodobo ku heshiiyey

Afwerki, Siisi, Xasan Sheekh

Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdifitaax Alsisi, ayaa shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Asmara waxay ku gaareen heshiis iskaashi oo saddex geesood ah.

Sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen, heshiiskan ayaa dhigaya in dalalkan ay sare u qaadaan iskaashigooda dhinaca ammaanka, xasilloonida gobolka iyo amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Heshiiska madaxdan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii Itoobiya ay bishii Janaayo ee sanadkan la gashay Somaliland, oo ah maamul sheegtay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaasi mid sharci darro ah oo ku xadgudbaya madax-banaanideeda dhuleed iyo midda qaran.

War-murtiyeedka ay madaxdan ka soo saareen shidkooda Asmara, waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay ilaalinta madax-bannaanida dhulleeed iyo qarannimada Soomaaliya

Dhinaca kale intii uu shirkooda socday, dalka Masar ayaa u yaboohday Soomaaliya inay ka mid noqoto ciidamada howlgalka cusub ee AUSSOM ee bedelaya ATMIS, marka uu waqtiga ka dhamaado bisha December ee sanadkan.

Sidoo kale heshiiskan ayaa yimi xilli ay Soomaaliya isu diyaarinayso in ay go’aan ka gaarto qaabka uu noqon doono iyo cidda ka qeyb qaadaneysa howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee ATMIS bedeli doona marka uu waqtiga ka dhamaado sanadkan, ee loo soo gaabiyo (AUSSOM).

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ciidamada Itoobiya ooh adda ka mid ah ATMIS, aysan qeyb ka noqon doonin kuwa AUSSOM, ayna tahay in ay dalka ka baxaan kahor December 2024, haddii aanay Addis-Ababa ka laaban heshiiska Somaliland.