Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa VOA siiyay wareysigii ugu horreeyay ee ay la yeelato warbaahinta ku hadasha afka-Soomaaliga.
Xasan Sheekh ayaa wareysiga uga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin, doorashadiisii, ra'iisul-wasaaraha cusub, al-Shabaab, talaabooyinka ugu horreeya ee uu qaadi doono, wadahadaladii Somaliland iyo TFG iyo waliba qaraxyadii uu dhawaan ka bad-baaday.
Haddaba wareysiga oo ay qaaday weriyaha VOA Mogadishu, Seynab Abuukar qeybta hoose ka dhageyso.