Madaxweyne Ruto oo magacaabay ku-xigeenkiisa cusub

Kithure Kindiki

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki inuu noqday madaxweyne ku-xigeen kadib markii xubnaha Aqalka Sare ee dalka ay xilka ka qaadeen Rigathi Gachagua.

Kindiki ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu cad-cad ee xilkan kadib markii baarlamanka ay xilka ka xayuubiyeen Gachagua.

Ruto ayaa haystay 14 maalmood inuu ku soo magacaabo ku-xigeen cusub kadib xil ka qaadistii Gachagua, baarlamankana waa inuu hadda ugu codeeyaa xulashadan 60 maalmood gudahood.

Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Nairobi ka soo dirtay Intisaar Saalax Xusseen.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne Ruto oo magacaabay ku-xigeenkiisa cusub