Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay saddex sharci oo dhowaan ay meel-mariyeen labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.
Saddexda sharci ee madaxweynuhu saxiixay ayaa kala ah; Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka.
Madaxtooyada ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha uu sharciyadan saxiixay, isaga “oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay.”
Munaasabadda saxiixa sharciyadda oo ku qabsoomtay madaxtooyada Qaranka ayaa madaxweynaha waxa uu uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamanka.
“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyo,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay “in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalkeenna,” kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay.
Your browser doesn’t support HTML5