Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Qoraal kooban, oo ay madaxtooyada soo dhigtay Facebook, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Farmaajo la wadaagay “dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib tirayo.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Doha u tegay ka qeyb-galka shirka dalalka soo koraya ee LDC5 oo ay soo agaasintay Qaramada Midoobe.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo looga adkaaday doorashaii 15-kii May 2022, ayaa la rumeysan yahay inuu dhowaanahan ku sugnaa magaalada Doha. Farmaajo ayaa muddadii uu xukunka hayey ay aad isugu dhowaayeen dowladda Qatar.
Doha —