Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa ballanqaaday in Maxaas ay noqon doonto meelaha ugu horeya ee mashaaricda hormarinta laga hirgaliyo.
Madaxweyne Xasan oo meel fagaare ah kula hadlayay boqolaal shacab ah oo soo dhaweyntiisa ka qeybgalayay ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan degmooyinka laga xoreeyo Al-shabab si siman looga fulin doonta mashaaricda hormarinta.
Madaxweynaha ayaa mar kale carabka ku adkeyay in dagaalka Alshabab uu muhiimadda kowaad yahay.
"Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isagoo ku bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada." ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku mari doona furimaha hore ee goboollada ay ka socdaan howlgalladaas ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ka socday kacdoon lagaga soo horjeedo AL-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad ka tirsan dadka deegaanka ay Al-shabaab ka xoreeyeen magaalooyiin, tuulooyin iyo deegaanno dhowr ah.