Los Angeles —
Magaalada Los Angeles ee dalkan Mareykanka ayaa ansixisay sharci cusub oo magaalada ka dhigaya "goob magangelyo u ah dadka soo galootiga sharci darrada ah."
Talaabadan ayaa loo arkaa inay tahay jawaab ka dhan ah ballanqaadka Madaxweynaha la doortay Donald Trump ee ku saabsan masaafurinta dad badan oo aan sharciga haysan marka uu xilka la wareego bisha Janaayo.
Sharciyadan ma joojin doonaan saraakiisha federaalka inay masaafuriyaan dadka aan sharciyada haysan, laakiin waxay xoojinayaan ballanqaadka magaalada ee ah in la ilaaliyo bulshada qaxootiga ah.
Warbixintan waxaa diyaarisay weriyaha VOA-da Angelina Bagdasaryan, waxaa soo jeedinaya Xuseen Barre.
Your browser doesn’t support HTML5