Dagaal qaraar ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceel-dheer, kadib markii halkaasi ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada aroortii hore ee Sabtida maanta ah, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo wareedyo amni oo ku sugan deegaanka.
Al-shabaab sheegtay weerar ay ku sheegtay 'cagmarin' oo ay ka geysatay xerooyinka ciidamada dawladda ee ku yaala magaaladaas, laakiin sheegashadan si madax banaan looma xaqiijin.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarkan 'jab xooggan' ugu geystay Al-shabaab, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay warbaahinta dowladda.
"Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo." ayay qortay warbaahinta dowladdu.
Khasaaraha rasmiga ah ka dhashay weerarkan ilaa hadda lama oga.
Ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ayaa hore Al-Shabaab uga qabsaday magaaladan Janaayo 2023-kii, xilligaas oo ay socdeen howlgallo ciidan.
Warkan oo ah mid degdeg ah wixii kusoo kordha halkan kala soco.