Kooxda Manchester United ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Erik ten Hag, kadib markii ay si liidato ku billaabatay horyaalka Premier League.
“Erik ten Hag waa uu ka tegay xilkiisii ahaa tababaraha kooxda koowaad ee Man United. Waxaan uga mahad-celineynaa Erik wax walba oo uu qabtay muddadii uu nala joogay waxaana u rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda.
United ayaa hadda kaalinta 14-aad kaga jirta horyaalka, waxaana kulankii uga dambeeyey ee Axaddii 2-1 kaga adkaaday West Ham.
Ten Hag ayaa kooxda macallin u ahaa laba sano iyo bar. Erik ayaa la magacaabay bishii April 2022 wuxuuna kooxda ku hogaamiyay labo koob oo gudaha ah, isagoo kula guuleystay Carabao Cup 2023 iyo FA Cup 2024.
United ayaa sheegtay in Ruud van Nistelrooy uu kooxda si ku meel gaar ah u maamuli doona, iyadoo ay taageerayaan macallimiinta kale ee kooxda ee hadda jira, inta tababare joogto ah laga helayo.