Mareykanka oo lagu arkay laba nooc oo cusub oo COVID-19 ah

Xarunta Xakameynta iyo ka hortagga xanuunada Maraykanka ee CDC ayaa sheegtay in labo tafiirood oo cusub oo cudurka COVID-19 ahi ay hadda wareegayaan.

Xarumaha caafimaadka ayaa soo warinaya in tirade dadka ay ku dhacayeen iyo kuwa u dhimanayaba ay sarreyso.

Labadan nooc oo la kala siiyey magacyada EG.5 iyo BA.2.86 ayaa hadda isha lagu hayaan.

Haddaba waxyeellada labada nooc, heerkooda fiditaanka iyo sida ay u saameyn karaan hab nololeedka bulshada ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu ka wareystay Dr. Abdi Jama oo bare ka ah Jaamacadda Minnesota.

Your browser doesn’t support HTML5

Mareykanka oo lagu arkay laba nooc oo cusub oo COVID-19 ah