Markabka Oruç Reis oo ku sii dhawaanaya xeebaha Soomaaliya

  • Ahmed Ali Sheikh

Oruç Reis

Wasiirka Tamarta Turkey Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis uu ku sii dhowaanayo xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo la filayo in uu ka billaabo shidaal baaris.

“Markabkeena Oruç Reis, oo ay weheliyaan maraakiibta caawineysa iyo maraakiibta ciidamadeena badda, waxa ay si nabad ah uga gudbeen Kanaalka Suweys, waxayna hadda ku wajahan yihiin Soomaaliya,” ayuu wasiirka ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Markabka ayaa xeebta Istanbul ka soo dhaqaaqay 5-tii October kadib markii loo sameeyey xaflad sagootin ah, oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin Soomaali iyo Turkish ah, oo uu ka mid yahay madaxweyne Reece Tayyip Erdogan.

Howlgalka markabkan ayaa ka dambeeyey heshiis Iskaashi Difaaci iyo Dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkey.

"Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal," ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray 3-dii October.

Waxa uu intaas ku daray in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah.

Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood.

Xiriirka Ankara iyo Muqdisho ayaa sii xoogeysanayey sanadihii dhowaa, ayada oo labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo ay ku jiraan kuwa dhaqaale iyo kuwa difaac.