Mashruuca Muqdisha-da Cusub oo la daah-furay

Muqdishada Cusub

Soomaaliya oo ka soo kabaneysa burburkii iyo colaadihii ragaadiyay ayaa haatan cagta saartay dariiq dib u dhis iyo rajo cusub oo dhinaca maal gashiga iyo horumarka ah.

Waxaa isa soo taraya mashaariicda maalgashi iyo dib-u-dhis ee dalka laga hirgelinayo.

Dhawaan ayaa Bankiga Premier ee magaalada Muqdisho waxa uu daah furay mashruuc ay ku kaceyso boqolaal milyan, oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xarigga ka jaray.

Maantana mar kale, wuxuu Madaxweynaha Muqdisho ka daah-furay Mashruuca Muqdishada Cusub oo ay ku jiraan dhismaha garoon cusub, oo ah kuwa diyaaradaha iyo dekad qaab casri ah loo dhisi doono iyo goobo amaankoodu la sugo oo shirkadu shisheeye iyo kuwa wadani ahba ay maal gashan karaan.

Wariyaha VOA Seynab Abuurka Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Mashruuca Muqdisha-da Cusub oo la daah-furay