Maxaa fududeeyey weerarkii Al-Shabaab ee guri ku yaalla degmada Cabdcasiis?

Guriga la weeraray

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay shalay weerareen guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Gobolk Benaadir, oo lagu dabiibayay dhaawacyadii ciidamada deegaanka ee kusoo dhaawacmay dagaalka ka socda Gobolka Hiiraan.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas ay 10 qof ku dhinteen. Haddaba, maxaa keenay in la weeraro gurigaas?, maxayse tahay sababta keentay in dhaawacyadii laga keenay Hiiraan guri la isugu geeyo?

Su'aalahaasi iyo kuwa kale ayuu weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow waxa uu weydiiyay Xildhibaan Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana mid ah mudanayaasha lagasoo doorto Gobolka Hiiraan.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxaa fududeeyey weerarkii Al-Shabaab ee guri ku yaalla degmada Cabdcasiis?