Ankara —
Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Turkey Xasan Sheekh Maxamuud iyo Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo wax u qabashada dadka ay abaaruhu aafeeyeen ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay garab istaag iyo taageero buuxa u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyaga oo u soo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.
Warbixintan waxaa magaalada Qaahira ka soo diray Xuseen Cusman Saxnuuni.
Your browser doesn’t support HTML5