Maxaa Kenya Airways ku qasbay in ay joojiso duulimaadyada Muqdisho?

Kenya Airways

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Muqdisho, laga billaabao 14-ka October.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayey shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay kadib markii ay la kulantay “caqabado dhanka howlgallada ah,” oo aysan faah-faahin ka bixin.

“Go’aankan waxaa la qaatay ka dib markii si taxadar leh loo falanqeeyay, loogana fakaray danta ugu wanaagsan ee shirkadda ee jawiga ganacsi ee jira,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Hadaba Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrintan ka wareysatey Maareeyaha guud ee Garoonka Muqdisho Mohamed Siciid Abdullahi, waxa ay kala socdaan howl-joojinta Kenya Airways iyo sababta ka dambeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Maxaa Kenya Airways ku qasbay in ay joojiso duulimaadyada Muqdisho?