Muqdisho —
Waxaa natiijo la’aan ka soo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Villa Somalia, iyada oo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maanta ku laabtay Kismaayo.
Arintan ayaa loo arkaa mid sii adkeynaysa khilaafka siyaasadda gaar ahaan sida dhabaha loo maraayo heshiisyada doorashada.
Haddaba, waxyaabihii ugu waa weynaa ee lagu heshiin waayey iyo xalka siyaasadeed waxa uu ku jiro ayaa wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle uu ka wareystey Prof. Liibaan Xussein Ciise oo barre ka ah Jaamacadda Muqdisho, kana faallooda arrimaha siyaasadda, kaasi oo si gaar ah isha ugu hayey shirkan.
Your browser doesn’t support HTML5