Shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa shalay gelinkii dembe lasoo gabagabeeyay waxaana kasoo baxay qodobo inta badan la sheegayn in laga dooday, balse aan la xaqiijin in lagu heshiiyay.
Shirka oo ahaa mid saxaafaddu ay dibadda ka joogtay ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la yeeshay siyaasiyiin hore usoo maamulay Soomaaliya, sida madaxweyne hore, Ra;iisul wasaareyaal hore iyo Afhayeennadii hore ee Baarlamanka, walow shalay mas;uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ay kusoo biireen.
Marka la eego muhiimadda uu shirkaan u lahaa Soomaalida, qodobada kasoo baxay maxaa lagu micneyn karaa?
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan inoosoo diray.
Your browser doesn’t support HTML5