Jamhuuriyiinta ayaa Arbacadii lagu dhowaaqay in ay ku guuleysteen aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin.
Guushooda aqalka hoose ayaa timid xilli ay horay u haysteen aqlabiyadda Aqalka Senete-ka, taasi oo ka dhigan inay isku darsadeen maamulka labada gole ee sharci dajinta Mareykanka, iyadoo uu garab taagan yahay madaxweynaha la-doortay Donald Trump.
Haddaba waxa guusha xisbiga Jamhuuriga ee labada aqal ay uga dhigan tahay guud ahaan Mareykanka iyo maamulka soo socda ee Donald Trump, iyo waxyaabaha laga fili karo ayuu wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab weydiiyay Faysal Derri oo ka faallooda arrimaha Mareykanka.
Your browser doesn’t support HTML5