Hague —
Xeer-ilaaliyaha guud ee maxkamada dambiyada caalamiga ah Karim Khan ayaa todobaadkan sheegay inay raadinayaan waaran lagu soo qabanayo qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Israel iyo Xamaas, arrintaasi oo keentay in dunidu siyaabo kala duwan uga falceliso.
Sidan oo kale ayay maxkamaddu hore waaran ugu jartay hogaamiyeyaal iyo ashkaas dunida caan ka ah oo ay dambiyo kala duwan ay ku soo eedeysay, kuwaasi oo uu ugu danbeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay waaran u jartay sanadkii 2023-kii.
Hadaba maxay tahay maxkamadan? Dacwadaha ay soo oogto sharcigee ayay u cuskataa? Waxa warbixintan ku eegaya wariyahayaga Cabdixakiin Shirwac.
Your browser doesn’t support HTML5